Iley ” Wax dambi ah ma gelin intii aan maamulka hayay”

114,713

Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

- Advertisement -

Cabdi oo fursad loo siiyay in uu hadlo ayaa sheegay intii uu maamulayay Ismaamulka Soomaalida uu si wanaagsan u maamulay wax dambi ahna uusan ka gelin degaanka Soomaaliya.

Maxkamadeyntiisa oo shalay dhacday ayaa waxaa uu ku dalbaday in la siidaayo maaddaama uusan gelin wax dembi ah oo uu galay intii uu hayay talada Ismaamulka Soomaalida.

Maxkamadda ayaa amar ku siiyay Booliska Itoobiya in ay si deg deg ah u baahiyaan magacyada iyo sawirrada todobo qof oo kale oo loo heysto in ay qeyb ka ahaayeen dil, kufsi, barakicin iyo dhibaatooyin kale oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Ilaa 50 qof ayaa u xiran rabshadihii ka dhacay Jigjiga Bishii August ee 2018,waxaana dhamaan loo heystaa in ay ka dambeeyeen rabshadahaas.

Waxaa ku geeriyooday 58 qof,waxaa sidoo kale lagu baabi’iyay hanti gaareysa ilaa 421Milyan oo Birta Itoobiya ah sida laga sheegay Maxkamadda.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dalbaday in xorriyaddiisa dib loo siiyo maaddaama uusan jirin dambi cad oo uu ka galay Ismaamulka Soomaalida.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More