#Iiraan Oo Ku Hanjabtey Dagaal Hadii Israel Caga Saarto Marinka Hormuz

23,745

Waaxda difaaca ee dalka Iiraan ayaa ka hadashay ka qeybgalka ciidanka badda Israel ay kaga mid noqoneyso xulufada mareykanka ee qorsheynaya in ay ilaaliyaan maraakiibta mareysa gacn biyoodka Hormuz.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Janaraal Gholamreza Jalali ayaa sheegay in Iiraan ay dhimasho ka xigto marka ay timaado difaaca biyaheeda iyo Dalkeeda.

Mr Jalaali ayaa intaa ku daray in wadamada dariska ah iyo dalalka carbeed ay sugu karaan amniga wadamadooda balse hadii Mareykanka iyo xulufadiisa ay isku dayaan daandaansi dagaal ay la kulmi doonaan jawaab Adag.

Dhanka kale waxuu Israel kaga digay in ay soo fara galiso danaha Iiraan oo uu sheegay in cawaaqib ay kala kulmi Doonto.

Janaraal Gholamreza Jalali ayaa ugu danbeyn hadalkiisa ku soo koobay in Israel amni ay ilaaliso iska daaye aysan awoodin in ay iska difaacdo Lubnaan iyo kooxaha iska caabinta Falastiin.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More