#IGAD oo Madaxweynaha cusub ee Puntland ugu baaqday in wada shaqeyn wanaagsan uu la yeesho DF

1

- Advertisement -

Urur Goboleedka IGAD ayaa war uu kasoo saaray Doorashadii shalay ka dhacday Garoowe waxa uu hambaliyo ugu diray Madaxda cusub ee Puntland.

- Advertisement -

ah ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cali Guyo ayaa sheegay wax badan ay ka rajeenayaan Madaxda cusub ee Puntland, islmarkaana ay si hufan ugu shaqeyn donaan Shacabka ay mas’uulka ka yihiin.

Waxa uu uga digay hogaanka cusub Puntland in ay aburaan khilaaf iyo kala aragti duwanaan u dhaxeysa Dowlada dhaxe iyo Maamulka Puntland, asagaoo intaas ku daray in Puntland iyo Dowlada Federaalka ah wada jirkooda ay hormar ku gaari karto Soomaaliya

Maxamed Cali Guyo oo ah ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Soomaalida in ay si wadajir ah isugu tagaan Miiska wadahadalka islamarkaana kala aragti duwanaanta u dhaxeysa ku dhameeyaan wadahadal.

Waxaa uu sheegay in Hoggaanka sare ee dowladda Federaalka ah, iyo kuwa dowlad Goboleedyada in ay ka fakaraan shacabka soona afjaraan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha hoos u dhigay Soomaaliya ay qeyb weyn ka tahay Khilaafka ka dhex taagan dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Maxamed Cali Guyo oo ah ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Guddiga doorashada ee Puntland. Waxaa uu sidoo kale Mr Guyo u hambaleeyay madaxweynihii hore ee Puntland C/Wali Maxamed Cali

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More