IGAD oo guddi u diraysa Balad Xaawo & Mandheera

Urur goboleedka IGAD ayaa diyaarinaya guddi khubaro milateri ah oo soo qiimeeya dhibaatada ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya oo qeyb ka ah kiiska.

Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay abaabuleyso xoogaga Jabhad ay kahor geyso Ciidamada DFS ee jooga Magaalada Balad Xaawo & Deegaannada kale ku dhaw oo saldhigyo ay ku leeyihiin..

Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo iyo Hogaamiyaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u fariistay inay ka wada hadlaan arrimaha la isku hayo, oo qaarkood dowladda ay ka gaabsatay inay ka hadasho.

IGAD waxay go’aansatay inay wafdi u dirto magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera oo ku yaal xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, Itoobiyana ay dhinac ka tahay.

Fursadda ugu wanaagsan ee guddigan waa dowladda Federaalka Itoobiya, oo xiriir xasiloon la leh Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana la leh xuduud labada dal, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo amniga ayaa rumeysan in xukuumadda Abiy Axmed ay maamuli karto guddigan.

Howlgalka IGAD markii qiimeyntooda la dhammeeyo waxay dib ugu laabanayaan hoganka ururka si ay u soo gudbiyaan warbixin ku saabsan wixii ay arkeen iyo wareysiga dadka deegaanka ay go’aansadeen in wax soo saar.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More