#Hub, Lacag iyo Argagixisanimo, Wadamada Khaliijka ayaa Awooda ku Leh Soomaaliya

966,502

Markii gaari yar oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay bannaanka hore ee maxkamad ku taal magaalada dekeda leh ee Bosaaso ee waqooyiga Soomaaliya, Shabakadaha maxalliga ah waxaay sheegen oo ay dusha ka saareen xagjiriinta Islaamiga ah oo ay ku sheegen in ay ka aargudanaya duqeymaha Mareykanka. Ugu yaraan sideed qof ayaa la dhaawacay, iyadoo dhan ka kale koox xiriir la leh dowladda Islaamiga ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda dhacdadaas.

Hadaba Weerarka, si kastaba ha noqdanee, dagaalka ka socda soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa iskahorimaad aad u kala duwan oo isku haya soomaaliya: mid ka mid ah maalqabeenada Boqortooyadda khaliijka ee u tartamaya awooda iyo macaashka geeska Afrika sidii ay uu hanan lahayeen.

Labadii sano ee la soo dhaafay, dagaalka ka qarxay Soomaaliya ayaa u muuqday dagaal awoodo shiisheeye ay isku hayaan, iyada oo Imaaraadku iyo Qadar ay mid kastaaba siinayo soomaalidda hub ama tababaro milateri si ay u helaan sii ay uu helaan una kasbadaan niyaada koox iyaaga tageersan sii ay uga fushadaan danahood, isweydaarsiga eedeymaha ku saabsan laaluushka mas’uuliyiinta Maxaaliga ah, iyo u tartamidda qandaraasyo lagu maareeyo dekedaha ama ka faa’iideysiga. Khayraadka dabiiciga ah soomaaliya ayaa gundhig uu ah dagaalka aan dhammadka laheyn ee Soomaaliya.

Warbixinta Wargeyska ayaa salka ku heysa telefoon la dhageystay oo sirdoonka dal aan la shaacin oo ka horjeeda dalka Qatar u gudbiyey New York Times, kaasoo uu diray Ganacsade lagu magacaabo Khalifa Kayed al-Muhanadi oo u dhow Amiirka dalka Qatar, isagoo la hadlaya safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya Hasan Bin Xamza Hashim.

Codka la duubay ayaa waxaa uu ganacsadaha Khalifa Kayed al-Muhanadi uu safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in qaraxii magaalada Boooaaso ka dhacay ay ka dambeeyeen saaxiibada Qatar si ay Boosaaso uga eryaan Imaaraadka, kadibna ay Qatar u hesho qandaraaska Dekadda Boosaaso.

Wargeyska ayaan shaacin cidda uu ka helay codkan la duubay, balse wuxuu caddeeyay inay soo gaarsiiyey hay’ad sirdoon oo dalalka ay is hayaan Qatar ka mida, taasoo ay u badan yahay inay tahay Imaaraadka Carabta, waxaana codkan la duubay 18-ka May toddobaad kadib qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso oo lagu qaaday Gaariga guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Bari [Akhriso Warka Qaraxa]

Wareysi Wargeysku la yeeshay ganacsadaha Khalifa Kayed al-Muhanadi ayuu ku qirtay inuu jiro telefoonka uu u diray Safiirka, wuxuuse sheegay inuusan wax dowlad ah meteleynin, Soomaalida oo dhanna ay saaxiibo la tahay, balse safiirka dalka Qatar ee Somalia ayaan jawaab waafi ah ka bixin su’aalihii la weydiiyey

Arrintan ayaa caddeyn u ah in dalalka Khaliijka ee isku haysta Soomaaliya oo danahooda ugu loolamaya ay qeyb ka yihiin ami darrada iyo qaraxyada Somalia ka dhaca. waxayna fadeexad weyn ku tahay oo su’aal gelineysaa doorka dowladda Qatar ee Soomaaliya oo hadda u aad ugu dhow madaxda dowladda Soomaaliya

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More