#Howlgal dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay ka dhacay Degmada Hodan

78,579

Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Rugta Qudaarta oo ku taalla waaxda Taleex ee Degmada Hodan kadib markii shacabka ay ku soo wargeliyeen Ciidamada ammaanka labo nin oo burcad ah oo dadka dhacayay.

Kooxdaas burcadda ah ayaa wadatay Toorey, waxaana kolkii dambe goobta tagay Ciidamada Booliska oo durba sameeyay howlgalo ay ku baacsanayaan.

Rasaas la sheegay in ay fureen ciidamada Booliiska waxaa ku dhaawacmay sarkaal katirsan Booliiska, waxaana sidoo kale ay toogteen nin kamid ah Burcadii, halka kan kale uu baxsaday.

Dadka Degmada Hodan ayaa Mustaqbal u sheegay in kooxaha burcadda ah ay dhac u geysteen dad shacab ah oo ay ka furteen Teleefanadooda gacanta.

Booliiska Degmada Hodan wali kama hadlin howlgalkaan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca geystay ee xalay ka dhacay Waaxda Taleex.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More