#Hoganka Rayidka waa in la dhameystiro sii sax uu u noqdo heshiiska AMISOM ay ku joogto Soomaaliya

56,936

Ururka Midowga Afrika ayaa shir uu ku yeeshay Xaruntiisa Adis ababa waxaa uu kaga hadlay guud ahaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Shirkan oo dib u eegis iyo dhegeysi warbixineed ku saabsan AMISOM ayaa looga hadlay waxyaabaha u qabsoomay AMISOM ilaa hadda, guulaha ay gaartay, wax yaabaha ka dhiman iyo shaqooyinka kale ee ay tahay in uu howlgalka qabto.

War murtiyeed laga soo saaray shirka oo ka koobnaa 16 qodob ayaa waxaa ugu muhiimsanaa qodobka 14aad kaas oo AMISOM amrayay in la buuxiyo boosaska dhinaca hoggaanka rayidka ee ka banaan AMISOM..

AMISOM ayaa lagu dhaliilay in aysan shaqaaleysiin dadka Soomaalida ah ee gudaha dalka jooga,waxanaa banaan dhamaan boosaska dhinaca hoggaanka AMISOM ee rayidka oo uu ururka Midowga Afrika ugu talagalay dadka SOomaalida ah.

Midowga Afrika ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhamaan qeybaha kala duwan ee AMISOM ay yeeshaan hoggaan rayid ah oo Soomaali ah si loo dhameystiro heshiiska AMISOM ay ku joogto Soomaaliya.

AMISOM ayaa howlgalkeeda Soomaaliya billowday March 2007dii waxaana sanadka soo socda uu u yahay sanadkeeda 13aad.

Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in AMISOM dalka ka baxdo sanadka 2021ka islamarkaana amaanka dalka ku wareejiso Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More