Hogaamiye Farmaajo oo fariin Tacsi ah u diray dhigiisa Jabuuti

324,133

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Mareeyihii dekeda dalka Jabuuti Sacad Cumar Geelle oo ahaa ganacsade weyn oo ay walaalo ahaayeen madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku geeriyooday dalka Faransiiska Lama sheegin waxa uu u dhintay Agaasime Sacad Cumar Geelle.

Sanadkii 2011, Sacad Cumar Geelle ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee dekeda Jabuuti ka dib markii Dekeda Jabuuti iyo shirkad laga leeyahay dalka China oo lagu magacaabo CHMI heshiis ku gaareen in ay wadajir u maamulaan Dekeda Jabuuti.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More