Hogaamiyayaasha ku shirsan Villa Somalia oo qodobada qaar heshiis ka

Waxaa maalinkii 3 aad madaxtooyada Soomaaliya ka socda shir u dhexeeya madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada waxaana looga hadlayaa qodobada dhamaystirka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21-da.

Shirka oo aan la qeexin xilliga rasmi ah ee laga gabagabaynayo ayaa laga gaaray heshiis hore dhac ah inkastoo aan Saxaafada loo soo bandhigin sidoo kale waxaa jira qodobo dhowr oo dhinacyadu aad iskugu hayaan.

Maxaa laga heshiiyay?

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in is-faham laga gaaray dhismnaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah, guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Labada guddi ee hore ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii madaxtooyada lagu gaaray 17-kii September, hase yeeshee waxaa lasoo kordhiyey guddiga xalinta khilaafaadka, oo shaqadiisu noqon doonto inuu xaliyo wixii ay isku qabtaan labada guddi ee heer federal iyo heer gobol.

Labada guddi ee heer federal iyo heer gobol ayaa si wadajir ah u maamuli doona doorashooyinka dalka ka dhacaya dabayaaqada sanadkan iyo horaanta sanadka dambe.

Guddigan xalinta khilaafaadka ayaa waxaa magacaabi doona madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa xubno ku yeelan doona maamul goboleedyada. Labada guddi ee kale ee doorashada ayaa waxaa kala magacaabi doona madaxweynaha iyo madax goboleedyada.

Guddiga xalinta khilaafaadka, ayaa waxaa markii heshiiska doorashada lagu ansixinayey baarlamanka soo jeediyey guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Maxaa la isku diidanyahay?

Wada-xaajoodyadii arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa soo wajahay caqabad ka dib markii la isku qabtay laba qodobo, sidda sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal u ah shirka.

Illo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyey in kulankii xalay ka dhacay Aqalka looga arimiyo waddanka ay ka baxeen madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland – Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Sidda ay muujineyso xogta, qodobada ugu culus ee la isku hayo waa awooda guddiyadda doorashooyinka iyo goobta labaad ee ay ka dhaceyso doorashadda marka laga soo tago magaala hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu saxiixay Villa Soomaaliya ayaa xeerinaya in doorashada ka dhacdo laba magaalo maamulkiiba. Goobta koowaad ee loo asteeyay ee caasimadaha, halka aan wali lagu heshiin goobta kale.

Madaxtooyada Soomaaliya oo calaamadeysatay goobo ay dooneyso in doorashada lagu qabto ayaa waxaa ka horyimid hogaamiyasha Jubbaland iyo Puntland oo xifaaltan badan kala dhexeeyo Villa Somalia iyaga oo diidan in doorashadu ka dhacdo goobo ay ka soo bixi karaan xildhibaano taageersan hogaamiyayaasha hada talada haysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More