Hogaamiyaha mudo xileedkiisu dhamaaday ‘Farmaajo’ oo kulan kula

Hogaamiyaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Villa Somalia shirku laleh Raysul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo hogaamiyayaasha maamuladda taabacsan ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

- Advertisement 1 -

Kulanka ayaa sidoo waxaa qayb ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amp James Swan iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Finish, waxaana looga hadlayaa arimaha doorashooyinka dalka sida ay warisay warbaahinta Dowladda.

“Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda kulan la leh Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha Doorashooyinka dalka” ayaa laga soo xigtay Wakaaladda wararka Dowladda ee SONA.

Fadhigaan gaarka ah oo ay ka maqan yihiin hogaamiyayaasha maamuladda Puntland iyo Jubaland  ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdishakuur Cabdishakuur Warsame.

“Kulanka James Swan, Guudlaawe, Qoorqoor iyo Laftagareen ay Villa Soomaaliya kula leeyihiin Farmaajo waxaa looga arinsanayaa weerarada ka dhanka ah banaanbaxayaasha iyo madaxwayneyaashii hore. Kahor inta aan la qaban doorashooyinka waa muhiim la xaqiijiyo xorriyadda siyaasiga ah taasoo shardi u ah coddeynta,” ayuu Bartiisa Twetter-ka ku qaray Mr Warsame.

Jimcadda todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidamadda ammaanka ay rasaaseeyeen mudaaharaad ay horkacayeen xubnaha golaha Midowga Musharaxiinta oo ay ku dalbanayeen dilka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu wadayahay.

Habeenimadii Khamiista ee isla asbuucaas, iska-hor-imaad ayaa ka dhacay nawaaxiga Hotel Maa’ida oo ay daganaayeen Hogaamiye-yaashii 7 aad iyo 8 aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo mucaaradka ku tilmaameen warar lagu khaaraji rabay labada Hogaamiye oo uu wehliyay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More