#Hogaamiyaha Dalka Farmaajo oo ka hadlay sababaha weerarada uga dhacaan Muqdisho

4,555

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markale ku celiyay in ay socdaan howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo ka codsaday shacabka in ay u adkeystaan dhibaatooyinka ka dhasha howlgalada ay ciidamada dowladdu sameynayaan.
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka hadlayay masjidka ku yaal Madaxtooyada Salaada Jimce kadib ayaa sheegay in dowladiisu ay dooneyso in ay dowladaha ka dambeeya aysan ku mashquulin arrimaha amniga oo ay ku mashquulaan horumarka.

“Dowladihii iga horeeyay dadaal weyn ayay ku bixiyeen inay ka shaqeeyaan amniga annigana waxaan doonayaa in dowlada iga dambeyso ay xilka la wareegto dalka oo nabad ah.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku macneeyay sababaha marwalba ay Al-Shabaab weerarada uga geystaan Muqdisho inay tahay in la yiraahdo dowlad kama jirto Soomaaliya.

“Hadii aan fursad siino haatan sidaan ayay ula dagaalayaan dowladaha dambe … marka shacab iyo siyaasiyiin waa in aan u midowno, oo aan ciidanka ku caawino xogta cadowga,” ayuu raaciyay.

Mar uu soo hadal-qaaday howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka dowlada ay ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka ayuu tibaaxay in ay ciidanka kasoo hooyeen guulo.

“Meelihii ay qaraxyada kasoo gelin jireen [Muqdisho] ayaan ka qabsanay,” ayuu xusay, isaga oo ku daray “Ciidankeenu waa in aan ku taageeraan caano iyo biyo.

Xoogaga dowlada ayaa illaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay in ay Al-Shabaab ka qabsadeen todobaadkaan tuulooyin ay ugu muhiimsan tahay Sabiid.

“Waxay Muqdisho qaraxyada uga fulinayaan waa in la yiraahdo meeshaasi dowlad kama jirto,” ayuu hadalkiisa kusii daray madaxwaynuhu.

Madaxwayne Farmaajo oo ku nuux-nuux saday in dowladiisu ka go’an tahay in ay xididaha u siibto Al-Shabaab ayaa cod dheer ku qiray in ay jiraan dad Soomaaliyed gudaha iyo dibada ku nool oo lacago ku taageera argagxisada.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More