#Hishabeelle ayaa billaabay diiwaangelinta Boolis cusub oo ku biiraya Boliska hadda jira ee Maamulkaasi

79,651

Dowlad Goboleedka Hishabeelle ayaa billaabay diiwaangelinta Boolis cusub oo ku biiraya Boliska hadda jira ee Maamulkaasi.

Diiwangelinta iyo tababarka Booliska waxaa ka caawinaya Ciidamada AMISOM ee ku sugan Hirshabeelle,kuwaas oo labo bilood ka hor tababar siiyay qaar ka mid ah Booliska Maamulkaasi.

Tababarka iyo diiwaangilnta Ciidamadan oo gaaraya 200 Askari ayaa waxaa ka mid ah Haween waana markii ugu horreysay oo ay Haween ku biiraan Booliska cusub.

Bartilmaameedka tirada Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay 800 Askari,waxaana hadda la tababaray dufcaddii 1aad oo gaareysa 200 Askari iyada oo diiwaangelinta 200 kale ay hadda ka socoto degaannada Maamulkaas.

Hirshabeelle oo ah Maamulkii ugu dambeeyay dowlad Goboleedyada ka jira dalka ayaa waxaa uu hadda ku jiraa dhismaha Booliska Maamulkaasi.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More