HirShabelle oo ka hortimid hadalkii Golaha Midowga Musharrax…

Beledweyne (Axadle) – Maamulka HirShabelle ayaa si cad uga horyimid qoraalkii kasoo baxay xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ee lagu sheegay in aysan suuragal aheyn in doorasho lagu qabto magaalada Beledweyne ee maamulkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle, Siraaji Sheekh Isaaq iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa ka hadlay warka kasoo yeeray musharraxiinta, iyaga oo si weyn uga soo horjeestay.

Siraaji oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay warqadda kasoo baxday Midowga Musharraxiinta, wuxuuna tilmaamay in doorashada xildhibaanada labada aAal lagu qaban karo gudaha magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxa uu xusay in hadalka siyaasiyiinta mucaaradka ah uu qas iyo fowdo horleh ka abuurayo deegaanada HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay inay HirShabelle raalli-gelin uga fadhido Golaha Musharraxiinta.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaciyey inay Midowga Musharraxiinta u gefeen reer Hiiraan, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Beledweyne.

Jayte ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in musharraxiinta hadalkan faafiyey ay doonayaan in doorashada laga weeciyo magaaladaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu ka digay sii socosha arrintan, isaga oo tilmaamay inay baal-marsan tahay heshiiskii doorashada, isla-markaana lagu dulminayo reer Beledweyne.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli Midowga Musharraxiinta mucaraadka qoraalka ay soo saareen ku sheegeen in dhibaatooyin amni iyo kuwa siyaasadeed oo aan saamixi karin in doorasho lagu qabto Beledweyne ay ka jiraangudaha magaaladaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More