#Hirshabeelle oo Aqalka Sare u gudbisay walaaca ay ka qabto ka bixista AMISOM deeganadeeda

4

- Advertisement -

Wasiirka amniga ee maamulka Hirshabelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa cabasho ku aaddan ciidamada AMISOM ee iskaga baxaya deeganaada Hirshabelle waxaa uu u gudbiyay Guddiyada arrimaha gudaha iyo amniga ee aqalka sare iyo senatarada ka soo jeeda deegaanada Hirshabelle,  kaddib markii uu la qaatay kulan.

- Advertisement -

Kulanka ayaa aad loogu lafa Guray xaaladaha amni ee haatan ka taagan maamulka Hirshabelle deegaannadiisa iyo sidii Al-shabaabka weerarada ku soo qaada degmooyinka iyo deegaanno ka tirsan Hirshabelle looga saari lahaa gabi ahaan.

Senetor Macow oo kamid ah xubnaha Hirshabeelle ku matala aqalka sare  kana qeybgalay kulanka ayaa sheegay inay arkeen cabashada ay qabaan maamulka Hirshabeelle, islamarkaana ay si gaar ah u eegi doonaan cabashadaasi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wali aan la gaarin waqtigii ciidamada xooga dalka la wareegi lahaayeen amaanka dalka Soomaaliya, Islamarkaana Hirshabeelle ku taalo goob muhiim ah.

”Wali lama gaarin xiligii Dowlada Amniga kala wareegi laheed AMISOM Aqalka Sare Go’aan ayuu ka qaadan doonaa Cabashada Hirshabeelle, waan aragnay cabashada ay qabaan, madaxweynaha iyo madaxda kale ayaan u gudbin doonaa, go’aan ayaana laga gaari doonaa”ayuu yiri Senator Macoow.

28 bishan ayaa la filayaa in  ciidamada AMISOM laga saaro deegaano ka tirsan Hirshabelle, maadaama halkaasi ay joogaan.

Lama ogana waxa iska badeli doonaa qorshaha AMSIOM ee ka bixitaanka deegaanada Hirshabelle.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More