Hir-Shabeelle & Galmudug oo wadajir u raadinaya Maleeshiyo

6

Sawir hore

Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa wada baaris wadajir ah oo ay ku raadinayaan nin saakay dilay mid kamid ah dadka deegaanka Bacda oo aan sidaa uga fogeyn Degmada Matabaan.

Ninka dilka geystay ayaa baxsaday sida ay Axadle u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka, waxaana goobta gaaray Ciidamada ammaanka oo bilaabay baaris ay ku raadinayaan gacan ku dhiiglaha.

Xiliga dilka uu dhacay waxaa loo fadhiyay gogol xal looga gaaraya dilal ka dhacay Deegaanno hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Dagaalka & dilalka aanooyinka la xiriira ee ka taagan deegaannada u dhaxeeya DG Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed & Barkado biyaha laga siiyo Xoolaha oo muranka ka bilawda uu gaaro deegaannada ka fog halka ay wax ka dhacaan.

Saraakiisha Booliiska Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay gacanta kusoo dhigaan ninka dilka geystay iyo koox kale oo la socotay, maadaama la bargartay, isla markaana ay heleen xogtooda.

Gobollada Dhexe & Bartamaha Soomaaliya waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay dilalka beelaha oo ay geysanayaan maleeshiyaad hubeysan, waxaana barbar socda kulamo lagu soo afjarayo xiisaddaas oo sababtay dhimasho, dhaawac & welwel lasoo dersay dadka deegaanka.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More