Hinduuga loo xukumay lahaanshaha Goobtii ay Muslimiinta Isku Haysteen

3,978,407

NEW DEHLI, India – Maxkamadda Sarre ee Hindiya ayaa Sabtida maanta ah go’aan kama dambeys ah kasoo saartay goob ay isku haysteen Muslimiinta iyo Hinduuga.

- Advertisement -

Muslimiinta oo doonaya ay halkaas ka dhisaan Masaajid ayaa waxay doodoodu ku saleysan tahay in ay ku tukunayeen tan iyo sanadka markii uu ahaa 1949-kii.

Halka Hinduuga oo damacsan in ay ka hirgeliyaan Macbad ay ku barooranayaan in uu deganaa goobtaas Ram, oo kamid ah raggii aadka ugu ololeyn jiray.

Masjidka Babri oo 460-sano jir ah ayaa waxaa burburiyey Hinduuga sanadkii 1992-dii kadib qalalaaso Diineed oo galaaftay kumanaan oo badankooda Muslimiin ah.

Sidda laga soo xitay warbaahinta maxaliga ah, xeer-beegtada ugu sareysa wadankaas dhaca qaaradda dadka badan ee Aasiya ayaa dhulka u go’aamisay Hinduuga.

Garsooreyaasha ayaa sidoo kale waxay ku dhawaaqeen in Muslimiinta la siin doono goob kale oo ay ka dhisan doonan Masaajidka.

Dhulka uu muranka ka taagtaa ayaa ku yaala magaaladda caanka ah ee Ayodhya oo dhacda waqoyga gobolka Uttar Pradesh ee dalkaas.

Dadka ku aftirsadda Hinduuga ayaa waxaa la sheegayaa in ay yihiin taageereyaasha ugu badan ee xisbiga uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha talada haya ee Narendra Modi.

Go’aankaan oo su’aallo dhaliyey ayaa lagu soo beegay xili ammaanka aad loo adkeeyay isla markaana dowladdu ay ciidamo dheeri ah u daabushay dhulka muranka keenay.

Sikastaba ha ahaatee, Hinduuga oo dadka ugu badan ee Hindiya ah ayaa tiradooda lagu sheegaa in ka badan 70%, halka Muslimiinta oo tiro yar ah lagu tilmaamay 6%.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More