Hindiya ayaa xaqiijisay inuu ka dillaacay Cudurka

Hindiya ayaa xaqiijisay kiisaska hargabka shimbiraha oo saameeyay sagaal gobol oo dalka ka mid ah.

Maamulka Delhi waxay diiwaangeliyeen kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka.

Gobolka Harayana, in kabadan 400,000 oo shimbiro ayaa usbuucyadii la soo dhaafay ugu dhintay hargabka, waana meesha ugu daran ee ay saameysay.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu xakameeyo faafida cudurka hargabka shimbiraha oo ku faafaya qaar ka mid ah gobolada dalka Hindiya.

Dowladda ayaa soo saartay digniino ku saabsan suurtagalnimada in ifilada shimbiraha loo gudbiyo dadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More