Heerar kaladuwan ee garsoorka oo ay adkaan doonto in aad dacwo ka furato haddii uu hirgalo xeer Lr: 0217092020

Xeerka Nidaaminta Ujuurada Maxkamadaha oo uu soosaaray sii hayaha xilka Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle soona baxay Sep-2020 ayaa jaangoyn cusub oo dhinaca Sicirka ah u sameeynaya Khidmadda laga qaado furashada dacwooyinka dhammaan heerarka kaladuwan ee Maxakamadaha.

Xeerka Nidaaminta cusub ee Ujuurada Maxkamadaha ayaa kadhigay canshuurta dacwadaha Madiga 5% guud ahaan qiimaha hantida gal-dacwo looga furayo Maxkamadda gobolka, taas oo macnaheedu yahay in qofkii Fayl  u furanaya hanti qiimaheedu dhan yahay halmilyan oo dollar ay tahay in uu bixiyo si loogu faro Gal-dacwadeedka lacag dhan $50,000 (Konton kun oo dollar) halka ay ka ahaan jirtay Lacagta lagu furo galalka dacwooyinka Madanigu $200 {Laba boqol oo dollar} oo keli ah.

Xeerka Nidaaminta cusub ee Ujuurada Maxkamadaha ayaa sidoo kale waxa uu jaangooyey Sicirka Fulinta xukunada ka soo baxa dacwadaha madaniga, waxaa uu ka dhigay Canshuurta Fulinta 1% guud ahaan qiimaha hantida qofka loo fulinayo, taas oo macnaheedu yahay in qofkii loo fulinayo xukunka hanti qiimaheedu dhan yahay halmilyan oo dollar ay tahay in uu bixiyo lacag dhan $10,000 (Toban kun oo dollar)

Maxaa kadhalan kara hirhelinta Xeerka Nidaaminta  Ujuurada Maxkamadaha?

Guud ahaan Garsoorka iyo kalasaaridda dacwadaha dadweynuhu waa Waajib iyo adeeg saaraan dowladda kaas oo ay tahay in uu noqdo lacag la’aan iyo bilaash, sababta loogu baahday in furashada Faylasha dacwooyinka laga qaado Khidmad waa in laga hortago gal u furashada dacwooyinka aan macnaha lahayn ama falaadka ah oo jahawareerin kara garsooraha iyo guud ahaan  Maxkamadaha, hayeeshee marna lama ogola in garsoorku noqdo lacag iyo il daqli laga sameeyo.

Dhaqangelinta Xeerka Nidaaminta Ujuurada Maxkamadaha ee ay soosaartay Wasaaradda Maaliyadu waxa ay horseedi kartaa arrimaha:-

In Garsoorku noqdo il dhaqaale iyo daqli laga sameeyo sidaas awgeed waxa lumi doona dhammaan ruuxda iyo ujeeddada laga leeyahay adeegga Garsoorka.
Adeegga Garsoorku waxa uu gaar u noqon doonaa inta yar hantida leh iyada oo inta badanna aysan awood u yeelan doonin in ay dacwoodaan marka ay u baahdaan
Waxa dhici karta in dacwooyinka iyo eedaha u baahan kalasaaridda laga furto meelo kale sida garsoorka Alshabaab!
Sumcadda garsoorka ayaa hoos u dhici doonta mar haddii inta hantida leh oo keli ah ay la macaamili karto

Sababta loo cuskaday soosaaridda Xeer Lr: 0217092020 ayaa lagu sheegay in kor loo qaado lana dardargeliyo Dakhliga Ujuurooyinka Maxkamadaha, taasina waa ujeeddo aan la jaanqaadi karin Mabda’a garsoor u wada furan dhammaan Muwaadiniinta.

Halkan ka aqri XEERKA UJUURADA MAXKAMADA DALKA 2020

Waa maxay sababta loo joojiyey Dacwadaha madaniga ah ee Maxkamadda gobolka?

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More