Hay’adaha ammaanka DFS oo la amray la dagaalanka Walxaha

Kulan looga hadlayay wax ka qabashada Cabasho la xiriirta walxaha maanka-dooriya ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu go’aamiyay in la sameeyo howlgal cagta lagu marinayo walxahaas oo qayb ka ah Amni darrada Caasimadda.

Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la faray in ay waajib iska saaraan wax ka qabashada walxaha maanka-Dooriya ee lagu dhex iibiyo Xaafadaha iyo meelaha gaarka ah si gacan adag loogu qabto dadka iibiya iyo kuwa isticmaala.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar maxmuud Maxmed (Cumar finish) oo Guddoomiyay kulankaan looga hadlayay sugidda amniga iyo la dagaalanka walxaha maanka-dooriya ayaa laamaha ammaanka & Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka amray in ay wax ka qabtaan.

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Taliyaasha Saldhigyada Degmooyinka iyo laamaha amamanka ayaa goobjoog ka ahaa fadhiga, waxaana la dareensiiyay doorkooda sugidda Amniga iyo la dagaalanka Walxaha maanka-dooriya oo qayb weyn ka ah falalkaas.

Muqdisho maalmihii dambe Walaac ayaa laga muujinayay Walxaha maanka-dooriya, kadib markii dhaca dadka loo geysnayo ay kordheen, Culimada ayaa dhankooda soo jeediyay in wax laga qabto walxahaas dhalinyarada qaarkood isticmaalaan.

Isla Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in dhalinyarada ay isticmaalaan Tubaakada (Taabuu), taasina ay qayb ka ahayd dhicitaanka Ardayda Imtixaan sanadkeedka 2019/20.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More