Halkee lagu aasayaa AUN Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble? –

AUN Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo xalay 23-ka Febaraayo 2021 ku dhintay taariikhdu ahayd Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in lagu aaso Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa & Madax dhaqameedyo.

- Advertisement 1 -

Maxamuud Jimcaale oo ku magac dheer Maariyaa ayaa sheegay in muddo 14-Cishe uu xannuunsanayay, sida uu kasoo xigtay Dhaqaatiirta daweyneysay waxaa laga daweynayay Malaariyo (Duumo / Kaneeco).

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed ayaa ku sifeeyay nin ka qaybgala daminta dagaal beeleedyada, dib u heshiisiinta, isku xirka madax dhaqameedyada & wax u qabashada Bulshada Gobolka Hiiraan.

Madax kala duwan oo heer Federaal, Dowlad Goboleed, Siyaasiyiin, Qaybaha Bulshada & shaqsiyaad kale oo aqoon u lahaa Marxuumka ayaa ka tacsiyeesay geerida ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Hoggaaminta dhaqanka waxa uu la wareegay sanadkii 2016-kii, kadib markii uu dhintay Walaalkii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, muddo 5-sano ah ayuu howlaha dhaqanka toos u hayay.

Aaskiisa ayaa lagu wadaa in ay ka qaybgalaan Dad kala duwan oo kala ah Shaqsiyaad aqoon u leh & xubno uu hoggaamiye dhaqameed uu u ahaa sida Axadle ay u xaqiijiyeen dad si dhaw ula socda duugta Ugaaska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More