#Haddii aan Sacuudiga iyo Imaaraadka ku aaminno ammaankeenna Adigoo Tuug Aamina ayey la mid tahay

78,599

Gabadha Ilhaan Cumar ee ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ee laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa khudbad ay dhawaan ka jeedisay golaha ku sheegtay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan maamullada boqortooyooyinka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Ilhaan Cumar ayaa khudbadeeda ku xustay eedeymo waaweyn oo ka dhan ah labada dowladood, iyadoo ku tilmaantay inay si toos ah u taageeraan kooxaha loogu yeero argagixisada.

“Arrin sir ah ma aha in Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin xukuumado qallafsan oo xad gudubyo sameeya, waxayna tacaddiyadooda kusii fidiyaan dalalka kale ee caalamka. Waxay si toos ah iyo si dadban u burburiyaan dhaqdhaqaaqyada dimuqraadiyadda ee dibadda,” ayey tidhi Ilhaan.

Ilhaan cumar oo hadalkeeda sii wadata ayey xustay arrin kale oo lama filaan ku noqotay dad badan, taasoo qeyb ka ah eedeynteeda.

“Waxaa kale oo aan aaminsanahay in dowladahan Sacuudiga iyo Imaaraadku ay maal galiyaan kooxaha argagixisada, waxaanna maqalnay inay hubka Mareykanka u sii gudbiyaan kooxda Al-Qaacida”.

Shabakadda Al-Qaacidda ayaa ah urur uu Mareykanku dagaal kula jiray in ka badan 20 sano, waana kooxdii sheegatay mas’uuliyadda weerarkii khasaaraha badnaa ee lagu bartilmaameedsaday daaraha Mareykanka 11-kii bishii Sitembar ee sanadkii 2001-dii.

Hadalka Ilhaan Cumar ayaa u muuqda mid sii xoojinaya dagaalka ka dhaxeeya iyada iyo dowladaha ugu tunka weyn khaliijka, kuwaasoo ay sheegtay in Mareykanku uu la leeyahay xiriir aan sida saxda ah ku saleysneyn.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale khudbaddeeda ku sheegtay in Sacuudiga iyo Imaaraadku ay yihiin dalal Mareykanka u keenaya dhibaatooyin dhinaca amniga ah.

“Waxaan aaminsanahay in haddii aan Sacuudiga iyo Imaaraadka ku aaminno ammaankeenna iyo inay argagixisada naga difaacaan ay la mid tahay sidii adigoo qof tuug ah ku aamintay dukaankaaga”, ayey tidhi Ilhaan Cumar.

Sikastaba ha ahaatee dhawaaqa kasoo yeeray Ilhaan ayaa kusoo beegmaya waqti uu Mareykanku hub balaayiin doolar ah ka iibiyay Sacuudi Carabiya.

Ma aha markii ugu horreysay ee Ilhaan ay eedeymo culus u jeediso dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka, mana aha markii ugu horreysay ee ay arrimahooda qabsadaam mowduucyada hore ee warbaahinta.

Sidoo kale dhawaan ayay ahayd markii ay Ilhaan Cumar Sacuudiga iyo Imaaraadka ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin xaaladda ka jirta dalka Yemen.

Hase ahaatee, gudaha Mareykanka oo kaliya ma aha meelaha uu ka imaanayo dagaalka lagula jiro Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, oo iyadana ah gabar muslim ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin, balse waxaa jira dagaal kale oo dibadda uga imaanaya.

Weerarro la soo qaban qaabiyay ayaa looga soo qaaday dalalka kala ah Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulafada yihiin ee Imaaraadka Carabta, waxayna la sheegay in dalalka Khaliijka ay wadeen ol’ole ka dhan ah siyaasiyadda Soomaali-Mareykanka ah.

Hay’adaha Warbaahinta ee la dhacsan hannaanka maamulka dowladaha Khaliijka ayaa marar badan ku cel celiyay eedeymo ay u jeedinayeen Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, iyagoo sheegayay iney labadaas gabdhood ee hadda ka tirsan Koongareska si toos ah u taageeraan ururka Ikhwaanul muslimiin ee laga mamnuucay dalka Masar, islamarkaana cadow la ah Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More