#Hadal hayn Caalami ah iyo Argagax ka dhashay Daldalaadda Culimadda Sacuudiga

25,347

Warar loo dusiyey Saxaafadda oo kusaabsan dil daldalaad ah oo ay xukuumadda kaddib bisha Ramadaan Sucuudigu ku fulineyso 3 kamid ah Culimada iyo Indheergaradka Sucuudiga ayaa ka dhaliyey wewel iyo argagax bulsho gudaha boqortooyada Sucuudiga.

Dr Salmaan Cowda. Dr Ciwad Qarni iyo Dr Cali Cumari oo saddexduba kamdi ah culimada iyo aqoon yahanka diinta Islaamka ee Sucuudiga ayaa ah saddexda qof ee xukuumaddu Sucuudigu go’aamisey iyada oo adeegsadat maxakamada Qarsoodi ah in la qaarajiyo, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo ururada u dhaqdhaqaaqa bulshada ayaa xukuumadda Sucuudiga culeys ku saaraya in ay ka joogsato go’aankeeda qaarajinta culimadaas.

Eedaha loo haysto culimadan qaarkood waxaa kamid ah in aysan illaa xad kufilan aysan u duceyn Boqorka.

In ay qaarkood Sameeyeen Ururo si cilmi ah u difaaca Aflagaadada ay qoraaga reer galbeedku u geystaan Nabi Maxamed iyo guud ahaan islaamka.

Human Rights Watch, Kongareyska Mareykanka iyo Waddano kale oo adduunka ah ayaa farriimo u diray Sucuudiga si loo hor istaago go’aanka kusaabsan daldalidda 3 daas Wadaad oo ay suuragal tahay in Sucuudigu fuliyo.

Sawirka: albawaba.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More