Guddoomiye Taabid oo ka hadlay Amaanka Muqdisho iyo Qaraxyadii ka dhacay

4

Mogadishu-(AxadleTM)Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aysan u dulqaadaneynin falalka lidiga ku ah dhanka amniga oo Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Mudane Taabita ayaa soo hadal qaaday Qaraxyadii ugu dambeeyay Shabaab ay ka geysteen Muqdisho, gaar ahaan Qaraxyadii xarunta degmada Wadajir iyo kii saldhiga degmada Waaberi.

Taabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay arrimahaasi oo idil in ay yihiin kuwo aanan loo dulqaadan karin, si deg deg ahna wax looga qabanyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka xun yahay dadkii ku dhintay Qaraxyadaasi, qorshaha maamulka gobolka Banaadirna uu yahay in si deg deg ah looga jawaabo ficilada nuucaasi ah.

Al-shabaab ayau mudo Saddex maalmood gudahooda waxa ay laba Qarax ka geysteen magaalada Muqdisho, iyada oo Ciidamada Dowladda Federaalka ay xireen jidcadayaasha soo gala laamiyada, taasi oo ay ku micneeyeen sugidda amniga.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
xanafi02@gmail.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More