Guddoomiyaha Aqalka Sare oo digniin adag soo saaray

1

- Advertisement -

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa waxaa uu soo saaray digniin uu kaga hadlayo in fara-gelin lagu sameeyo Hay’adda Garsoorka Dalka.

- Advertisement -

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in dowladdu ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka, mid kastana loo baahan yahay in shaqadiisa lagu texgeliyo.

“Dowladdu waxay ka kooban tahay saddex qaybood. Waa Garsoorka, Baarlamaanka iyo Xukuumadda, mid weliba wuxuu leeyahay shaqadiisa gaarka ah, mid walba waa in lagu tixgeliyaa oo lagu aqoonsadaa, loona daayaa shaqada uu gaarka u leeyahay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay haddii aysan taasi dhicin oo fara-gelin lagu sameeyo Garsoorka, uu fillayo in aanu dalka ka bixi doonin dhibaatada uu maanta la foollanayo.

“Haddii aynaan taas samaynin oo aanu Garsoorka ka madax bannaanaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, oo ay noqoto in la’isku milmo oo shaqadii Garsoorka ay Xukuumadda fara-geliso, Baarlamaankiina fara-geliyo, waxaan fillayaa dhibaato kama baxayno.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri “Horta waxaa weeye dalkeena barwaaqada ah ee khayraadka kala duwani ka buuxaan ee aanu ka baahanay, miisaaniyadda aynu maanta samaynaynaa, maxay tahay weeye? Anigu waan qabaa Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka hay’adahaas siman, hay’ad walba hay’adda ay la siman tahay in wixii ay qaadanayso tan kalana lagu qoondeeyaa.”

Cabdi Xaashi C/laahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare, ayaa intaa ku daray “Maaha in Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay wax siyaado ah inta ay hellaan Garsoorkana aan la texgelin. Anigu fekerkaa ma qabo, waana gaarsiinayaa madaxda sare ee awoodeeda leh.”

Gudoomiyaha, ayaa waxaa uu hadalkan ka sheegay munaasabad tababar loogu furayay boqol ka mid ah Shaqaalaha Waaxda Garsoorka Wadanka.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
info@axadletimes.com

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More