Guddiga doorashooyinka ayaa dejinaya jadwal cusub ee Doorashada BFS

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC ayaa maanta ku dhawaaqay jadwal cusub oo lagu dooranayo labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen in iyada oo laga fogaanayo waqti kordhin lagu guda-galo shaqada hortaalla oo ay ugu weyn tahay Doorashooyinka Aqalka sare & Golaha Shacabka BFS.

Guddiga ayaa sheegay in iyada oo la tixgelinayo fulinta heshiiska dhexmaray Madaxda Heer Federaalka & heer Dowlad Goboleedyada isla markaana wadajir labada aqal Baarlamaanka u ansixiyay lagu jaangooyay waqtiga doorashada la guda-galayo.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More