Goorma ayaa Golaha Shacabka la horgeynayaa Maxamed Xuseen Rooble?

Fadhiga golaha shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee XFS Maxamed Xuseen Rooble oo haatan sugaya hortagista Golaha Shacabka si uu kalsoonida ugu helo, maadaama uu ka dalbaday codsiintiisa ayaa la ogaaday waqtiga uu Madaxweyne Farmaajo la hortagayo Aqalka Shacabka.

Ilo xog ogaal ah, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo u dhaw Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Saddexda Cishe ayaa Axadle u sheegay in kulanka Berri ee Golaha Shacabka Ajendaha uu yahay kalsooni siinta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Xalay waxaa hoyga Maxamed Xuseen Rooble oo ah Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya balse sugaya Codka Aqalka hoose ee BFS tagay mas’uuliyiin kala duwan oo u badan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanno.

Bogaadin iyo dhiiragelin kadib, waxa ay kawada hadleen xaaladda dalka, qorshaha doorashada, wada-shaqeynta Xeer dejinta iyo fulinta, ka gudubka caqabadaha siyaasadeed iyo qodobo kale oo muhiim u ah howlaha geeddi socodka dalka.

Rooble haddii uu helo Codka kalsoonida waxa uu maalmaha soo socda ku dhawaaqayaa shaxda golihiisa Wasiirada, ku xigeennada iyo Wasiiru Dowlayaasha, maadaama muddo sharciyeedka Xukuumaddiisa ay tahay 141-Cishe oo ay ku jiraan maalmo doorasho & abaabulka lagu qabanayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay in Codka kalsoonida lagala noqday Ra’iisul Wasaare Khayre.

Xasan Cali Kheyre “Waxaan go’aasanaday inaan xilka iska casilo anoo og in hab sharci daro ah loo maray”.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More