Golaha Wasiiradii ugu horreeyay ee Suudaan oo la dhaariyey tan iyo markii xukunka laga tuurey Al-Bashiir

Golaha wasiirrada oo ka kooban 18 xubnood, oo ay ku jiraan afar haween ah, ayaa lagu dhaariyay aqalka madaxtooyada ee Khartuum Axaddii.

21,439

Dalka Suudaan ayaa dhaariyey golihiisii wasiiradda ee ​​ugu horreeyay. Tan iyo markii xilka laga tuuray. Madaxweynihii hore Cumar al-Bashiir bishii Abriil. Ka dib markii mudaaharaadyo looga soo horjeeday xukunkiisa Ay ka dhaceen Dalkaas.

Golaha wasiirada oo ka kooban 18 xubnood. Kuwaa oo uu hogaaminayo R/wasaare Abdalla Hamdok. Kuwaas oo ay ku jiraan afar haween ah. Ayaa lagu dhaariyey qasriga madaxweynaha ee Khartoum Axadii .

Xubnaha cusub waxaa ka mid ah. Haweeneydii ugu horreysay ee Xilka Wasiirka Arimaha Dibadda Qabata. Taas oo lagu magacabo Asmaa Abdalla. Iyo dhaqaaleyahan horey uga tirsanan jiray Bankiga Adduunka oo lagu magacabo Ibrahim Ahmad al-Badawi .

Golaha wasiirrada. Ayaa la filayaa inay hogaamiyaan howlaha maalinlaha ah ee dalka. Inta lagu gudajiro xilliga kala guurka oo ah 39 bilood Ee Soo socda ilaa doorashada guud laga garayo.

Magacaabista golahan xukumadda ayaa waxaa ka dambeysay ka dib markii Suudaan ay bishii hore dhaarisay “gole madaxbanaan” – gole ay ku mideysan yihiin Mucaaradka madaniga  iyo militariga kaas oo hadafkiisu yahay inuu kormeero xilliga kala guurka.

18-ka wasiir ayaa la arkaayay iyagoo salaamaya xubno ka tirsan golaha guud, oo uu ku jiro madaxa sare General Abdel Fattah al-Burhan,  Sida sawirada laga sii daayay telefishanka dowlada.

Golaha qaranku laftiisu. Waa natiijada wadaagga awood qaybsiga ee ka Dhalatey. Mudaharaadayaasha iyo Ciidaanka awoodda la wareegay kadib markii ciidanku xukunka ka tuureen Bashiir bishi Abril.

“Waa inaanu gelin dadaal badan si aan u buuxinno baahida dadkayaga,” ayuu Wasiirka Warfaafinta Faysal Maxamed Saalax u sheegay wariyeyaasha xafladda dhaarinta kadib.

“Adduunku wuu na daawanayaa. Waxaay sugayaan iney arkan sida aan u xallin karno arrimahayaga.”

Soo noolaynta dhaqaalaha

Raysal wasaaruhu wuxuu ballanqaaday. Inuu dalka nabad u horseedi doono. Isla markaana soo noolayn doono dhaqaalo xumida. Mudnaanta koowaad ee xukuumadiisa ay tahay.

“Raysal wasaaraha wuxuu yiri si loo soo nooleeyo dhaqaalaha loona xasiliyo wadanka waxaay ubaahantahay ugu yaraan  $2 bilyan markii hore kadibna $ 8bn kale si loo sii wado soo kabashada,”.

Hamdock iyo kooxdiisu waxay dhaxli doonaan waaxda Maaliyadda oo baaba’a  ah oo burburtey, sicir-bararka oo ah in ka badan 40 boqolkiiba, iyada oo gabaabsi ay yihiin badeecadaha aasaasiga ah sida shidaalka iyo burka – xaalad bishii Disembar abuurtay mudaaharaadyo aakhirkii meesha ka saaray hogamiyihii hore dalka ka talinayey Bashiir.

Wasiirka Maaliyadda ee dhowaan loo magacaabay Badawi ayaa yiri: “Waxaan heysanaa barnaamij 200-maalmood ah oo dib loogu soo nooleynayo dhaqaalaha kaas oo kobcin kara nolosha dadkayaga mustaqbalka dhow.”

“Waxaan sidoo kale leenahay qorshe muddada fog ah oo aan dib u habeyn ku sameyneydoono guud ahaan dhaqaalaha,” ayuu yidhi, isagoo raaciyay in Dalku uu dhowaan filayaan kalmooyin cusub oo gacan ka geysanaya sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha degdegga ah.

Nabadda

Golaha xukuumadda Hamdok ayaa sidoo kale la rajaynayaa in ay ku hogaamiyaan dalka Suudaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafyo badan oo gudaha ah oo ka dhacay saddexda gobol ee dalka.

Kooxaha mucaaradka ka soo jeeda gobolada Darfur, Blue Nile, iyo koonfurta Kordofan ayaa dagaallo aan dhamman laheyn kula jiray ciidammada Bashiir kii laga erye xukunka.

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Walaa Issam ayaa yiri “Wadada soo socota ma fududa. Waxaan wajaheynaa caqabado badan laakiin waa inaan ka shaqeynaa sii wadajirnimo ku jiro.”

Bashiir waxaa laga doonaya maxkamada caalamiga ah ee dambiyada ( ICC ) oo loga haysto xasuuqii ka dhacay gobolka Darfur. Halkaas oo toban sano ka hor. Dagaal lagu layey qiyaastii 300,000 oo qof laguna qasbay 2.7 milyan in ay ka qaxaan guryahooda.

Iskahorimaadka ayaa qarxay 2003 markii kooxaha qowmiyadaha tirada yar ay hubka ka qaateen oo ay dowladdii Bashiir ay la dagaalameen, iyaga oo ku eedeeyay midab takoor iyo dayaca dhanka xaquuqdooda ah.

ICC xaruunteedu tahay Hague ayaa soo saartay warqad qabasho ah oo ka dhan ah isaga waa albashire 2009 iyo 2010 iyada oo lagu soo oogay dambiyo dagaal oo ah dembiyo ka dhan ah aadanaha, iyo xasuuqii Darfur.

 

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More