#Golaha Wakiilada Puntland oo ogalaaday in si wadar ah loo ansixiyo Golaha Wasiirada Maamulkaas

1

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa maanta ansixiyay habka loo ansixin doono Golaha cusub ee Xukuumadda Puntland ee Madaxweynaha laga sugaayo in la soo dhiso.

- Advertisement -

Kulanka Xildhibaanada oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 26 xubnood oo ka mid ah u codeeyeen in Xukuumadda si wadar ah loo ansixiyo halka 24 xildhibaan ay diideen 3 kalena ka aamustay.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo Golaha wasiirada cusub.

Wuxuu sheegay in Xukuumadda cusub ee Madaxweynaha soo dhiso loo ansixin doono qaab wadar ah, maadaama 26-Xildhibaan sidaasi ay u codeeyeen.

Baarlamanka ayaa hore u go’aamiyay in Xukuumadda cusub mid mid loo ansixiyo si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqon doona hase yeeshee go’aankaasi ayaa haatan meesha ka baxay.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu gelinka dambe ee maanta oo Axad ah ku dhawaaqo liiska Golaha Wasiirada cusub kuwaas oo loo gudbin doono Baarlamanka si ay u ansixiyaan.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More