Golaha Shacabka oo ka garramaya qodobada u harsan ee waqti

Fadhiga golaha shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa la gaarsiiyay ajendaha fadhigooda maanta oo ah mid u gaar ah si ay go’aan uga gaaraan howlaha horyaalla mudada bisha ah ee ka dhiman dib ugu laabashada beelaha ay matalaan.

Fariinta loo diray Mudanayaasha aqalka shacabka waxaa lagu wargeliyay in maanta ay isugu yimaadaan xarunta Villa Hargeysa oo si KMG ah ugu shaqeynayaan maalmihii lasoo dhaafay, maadaama xaruntooda dib u dhis lagu sameynayo.

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ayaa Axadle u sheegay in Baarlamaanka uu doonayo in uu ka tago qodobo ay ku doodaan si ay dib codka ugu raadsadaan beelaha ay ku matalaan aqalkaan.

Wadatashiga Golaha Shacabka waxa uu ka dhashay kadib hadal jeedintii Xildhibaannada kulankii shalay ay codka ku taageereen doorashada dadban ee kaliya la kordhiyay ergada kursiga dooraneysa.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo fadhigii shalay ka hadlay ayaa ka digay in Baarlamaanka 10-aad la kala diro, iyada oo aan la diraayin kan 11-aad, haddii tallaabadaas la qaadana dalka uu dayacmayo.

Intaas kadib waxaa bilawday kulamo guddoonka u dhaxeeya oo ay uga arrinsanayaan sida la isugu wado karo kursi doonashada iyo ku simidda Xildhibaannada cusub ee la filayo in aqalka ay kusoo biiraan 20/21 iyo Baarlamaanka 11-aad ee Dalka.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More