#Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyay Miisaaniyadda Dowlada ee 2019

0

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019.

- Advertisement -

174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa horay ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyo.

Goor sii horeysay isla kulnka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay ku meel mariyeen Xeer hoosaadka Golaha.

Shalay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacbaka waxa ay dood adag ka yeesheen miisaaniyadda Dowladda ee 2019,waxaana jira Xildhibaano kasoo horjeeda,hayeeshee Maanta la ansixiyay.

Waxaa muqata in si caadi ah ay ku soo laabatay Howsha Xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kuwasoo kulmadoodi uu sameeyay mudo bil khilaafka hogaanka Golaha iyo Mooshinka Madaxweynaha.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More