Golaha shacabka kulmaya kadib fadhigii fashilmay. –

Xildhibaannada golaha shacabka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in ay kulan yeeshaan kadib markii shaley uu kulankoodii kusoo dhamaaday buuq iyo guuldarro.

Qoraal kasoo baxay aqalka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulanka berri looga hadli doono labo arrimood oo kala ah cudurka Covid-19 iyo u codeynta xubnaha guddiga madaxabanaan ee xudduudaha.

Guuldarro ayuu kusoo dhamaaday kulankii shaley ay lahaayeen xildhibaanada barlamaanka federaalka ee Soomaaliya kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha ay ku eedeeyeen guddoonka inuu qarinayo ajandde aan ahayn kii la iclaamiyay ee ahaa in lagaga hadlo cudurka Covid-19.

Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli ismari-waaga ka taagan doorashada waqtigeeda laga soo gudbay uu marayo meel xasaasi ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More