Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi oo u codeeyay Xeerka

Fadhi maanta Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi ku yeeshay Magaalada Hargeysa waxa uu u codeeyay Xeer guud ee Doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyaasha oo muran ka taagnaa.

Xubno katirsan Aqalka Guurtida ayaa dood ka keenay Xeerka Doorashada, balse Guddoonka ayaa ka dalbaday in si duuduub ah loo ansixiyo, maadaama nidaamkaan uu hage u yahay doorashada.

53-Xildhibaan oo fadhiga joogtay waxaa codka Doorashooyinka Gobaladda Waqooyi & Cod-bixiyaasha siiyay 49-kamid ah sida codeynta kadib uu ku dhawaaqay Shir Guddoonka maanta Golaha Guurtida.

Guddiga soo diyaariyay Xeerka Doorashada & Cod-bixiyaasha Gobaladda Waqooyi ayaa Golaha uga mahadceliyay ansixinta oo muhiim u ah in hay’adaha kale ee dastuuriga ah loogu sii gudbiyo si ay cod geliyaan.

Xubnaha guddiga ayaa ku tilmamaay xeerkaan mid adkeynaya tiirarka doorashada Gobaladda Waqooyi oo natiijooyinkii ugu dambeeyay ay dood ka keeneen Xisbiyada mucaaradka, balse markii dambe la xaliyay.

Xeerka Doorashada & Cod-bixiyaasha ayaa u gudbaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, maadaama uu sida dastuurka uu dhigayo uusoo maray labada Gole ee Wakiilada & Guurtida Gobaladda Waqooyi.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More