#Garsoorayaashii uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo maanta la dhaariyay xili sharci daro lagu tilmaamay

1

- Advertisement -

Munaasabad lagu dhaarinayo Garsoorayaal uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Dhaarinta Garsoorayaasha ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka  Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Mas’uuliyiin kale.

Baashe Yuusuf Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka oo hadal halkaas ka jeediyay ayaa sheegay in Garsoorayaasha maanta la dhaariyay ay ka qeyb qaadanayaan soo celinta Dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalkan taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada sare.

Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas  oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa cadaalada.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.”

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo dhankiisa tilmaamay in Garsoorka dalka uu isbedel weyn ka muuqdo taas oo in halkaas laga siiwado ku dhiiri galinayaan Madaxda Maxkamadaha kala duwan ee dalka.

Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan sharci daro ku tilmaamay magacaabista Garsoorayaasha uu Madaxweynaha magacaabay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo mar oo kala duwan magacaabay 4-garsoore iyo 5-garsoore oo katirsan Maxkamada sare ,waxa uu sidoo kale Farmaajo horey u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare oo isna garsoore ah, waxa ayna isku noqonaaan 10-garsoore halka Dastuurka KMG uu qabo in garsoorayaasha noqdaan 9-garsoore.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More