#Garoomada Diyaaradaha Puntland oo Ciidamo dheeraad ah la geeyay

2

- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah geeyay Garoomadda Diyaaradaha ee maamulka Puntland si looga hortaggo in lacago lagu galo doorashadda laga soo dejiyo magaalooyinka Puntland.

- Advertisement -

Puntland ayaa  qabta cabsi weyn oo ku aadan in dhaqaallo lagu bixiyo doorashadda maamulka Puntland ee 8 Bisha soo socota ka dhaceysa Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Ammaanka Garoomadda ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana hadda socda Baaritaano ku aadan shaqsiyaadka doonaya xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland.

Ciidamada Ammanka ayaa lagu amray in ay hubiyaan dhaqdhaqaaqyadda Garoomadda iyo waliba dadka kasoo deganaya.

Ku dhawaad 30 Musharax ayaa ku sugan Magaalada Garowe, waxaana qaarkood la sheegay in ay taageero ka helayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More