Galmudug oo sheegtay in ay $22,000 ugu deeqday ganacsatada

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo Kormeeray goobo ganacsi oo ku baaba’ay dab maanta oo arbacaa ka kacay kaalin shidaal oo taalla Dhuusamareeb ayaa sheegay in maamulkiisu 22,000 oo Dollar ugu deeqday Gudiga ganacsatada sida magaaladda loogu soo Iibiyo dab damis.

Dhuusamareeb waa Caasimadda Galmudug malaha adeegga gurmadka degdeggaah sida gaadiidka dabdamiska taasoo keentay in la xakamayn waayo dabka taasoo kordhisay khasaaraha uu gaystay sida dadka deegaanku warameen.

Inkastoo dabkaasi uu gaystay khasaare hantiyadeed oo aad u ballaaran haddana lama soo werin khasraare nafeed wallow ay jiraan dad dhaawacyo fudud soo gaareen. Dhuusamareeb Duqa magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, waxa uu sheegay inaan la ogeyn waxa dhaliyay dabka.

Wuxuu sidoo kale xusay inaan si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha dabka, isla markaana uu haatan socdo baaritaanka.

Waxa ay ahayd 40 beri kahor markii dab sidan oo kale uu ka kacay kaalin shidaal, kaas oo geystay khasaare hantiyeed.

Dhalinyarada magaaladda ayaa maamulka Galmudug iyo ganacsatada ka dalbaday in ay iska xilsaaraan sidii magaaladdu u heli lehayda maadaama magaaladda aysan lahayn gaadiidka gurmadka deg-dega ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More