FESOJ oo codsatay in shuruud la’aan lagu sii daayo

Xiriirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) wuxuu si kulul u cambaareynayaa xariga wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar oo xalay lagu xiray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

FESOJ waxay sheegtay inay ka xun tahay hab dhaqanka ciidamada amaanka, iyagoo ku eedeeyay in weriyaha ay xalay saqdii dhexe ugu dhaceen hoteel uu ka deganaa magaalada Beledweyne.

“Xiriirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) wuxuu si adag u cambaareynayaa xariga sharci darada ah ee Maamulka HirShabeelle, gaar ahaan Hogaamiye ku xigeenka uu ku xiray wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar. FESOJ waxay kaloo aad uga xuntahay hab dhaqanka ciidamada amaanka ee magaalada Baladweyne, oo saqdii dhexe ee xalay u dhacay hoteelkii uu ka deganaa Dulyar, taasi oo xadgudub ku ah dastuurka, sharciga saxaafadda iyo sharciyada kale ee dalka. ” Ayaa lagu yiri bayaanka FESOJ.

Maamulka FESOJ Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo wariye Dulyar xabsiga, hadii wax dambi aaney aheyn in wareysi uu ka qaado qof ka soo herjeeda maamulka.

“FESOJ waxay ugu baaqeysaa dowladda HirShabeelle inay si shuruud la’aan ah ku siidayso weriyaha, maadaama aysan dambi ahayn in la wareysto cid walba oo maamulka ka soo horjeedda. Aqbalida qof aan kugu raacsaneyn ra’yigaga waa arin dimuqraadiyadeed iyo dowladnimo. ” Sidaa ayaa lagu yiri qoraalka.

Weriye Dulyar ayaa lagu haystaa wareysi Arbacada duleedka magaalada Baladweyne uu kula yeeshay Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xud) oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee Milatariga Soomaaliya hadana mucaarad ku ah maamulka HirShabeelle.

General xuud wuxuu hogaaminaya Jabhadda HLF (Jabhadda Xoreynta Hiiraan), oo horaantii Nofeembar looga dhawaaqay deegaanka Ceelgaal ee Beledweyne, Isaaga oo saluugsan doorashadii 11-kii Noofambar ee lagu doortay  Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid ka mid ah dalalka ugu halista badan adduunka ee ay ka shaqeeyaan suxufiyiinta, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ballanqaaday inay ka hortageyso tacaddiyada ka dhanka ah wariyayaasha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More