#Farmaajo oo ka qeyb qaatay nadiifinta Villa Somalia

9

Muqdisho (AxadleTM)–Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Xaaqinka  u qaatay nadiifinta xarunta Villa Somalia ee fadhigiisu yahay.

Farmaajo iyo xubno ka tirsan xafiiska madaxtooyada ayaa ololaha nadiifinta ee uu horay ugu dhawaaqay madaxweynuhu in bil walba 29-keeda shaqaalaha dowladda ka qeyb qaataan ololahaan lagu bilayo bilicda caasimada.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay iyagana dowrkooda ka qaataan aruurinta qashinka si loo helo waddan nadiif ah.

Ololahaan ayaa socda mudo labo todobaad ah, waxaana horay u iclaamiyay madaxweyne Farmaajo

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More