Farmaajo oo Ka dalbaday Donald Trump in uu ka laabto Xayiraadda Muwaadiniinta Soomaaliyeed

3

- Advertisement -

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Dhigiisa Maraykanka Donald Trump in uu ka laabto xayiraadda uu ku soo rogay dadka Soomaaliyeed safarrada ay ku tagi jireen Dalka Maraykanka.

- Advertisement -

Maadxwene Farmaajo ayaa carabka ku dhuftay in Bulshada Soomaaliyeed ay arrimo kala duwan ugu safri jireen dalkaasi isagoo carabaabay Madaxweynuhu  in ganacsi balaarn ay ku lee yihiin Dad Soomaaliyeed Gudaha Dalka Maraykanka.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxwnaha in dad yar oo sida uu sheegay Madaxwene Farmaajo Amnig caqabad ku ah aan loo xayirin Bulsho weynta Soomaaliyeed qeybaheeda kale.

Ugu dambeyn waxa uu carabka ku adkeeyay Mudane Madaxweyne Farmaajo in dowladdiisa ay xooga saari doonto sidii Al Shabaab looga saari lahaa Dalka Soomaaliya.

Maraykanka ayaa Xayiraad ku soo rogay Dalal ay ugu horreyso Soomaaliya kuwaas oo uu Muwaadiniintooda ka mamnuucay Dalka.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More