Farmaajo & Khayre oo ku kula sugan Jabuuti iyo Eritrea, waa

Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, Hogaamiyaha oo soo dhoweyn heersare loo sameeyay ayaa Qasriga Madaxtooyada waxaa ku qaabilay Madaxweyne Isaias Afwerki, iyadoo labada Madaxweyne ka wada hadleen horumarka xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay socdaal uu ku tagay dalka koonfurta Suudaan halkaas oo uu uga qeyb galay munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaasi.

Waa markii saddexaad uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tagay Eritrea, booqashadii ugu dambeysay waxay ahayd bishii janaayo ee sanadkaan, markaas oo madaxweynuhu u aaday safar quseeyay ka miro-dhalka tallaabooyinka isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka” ayaa lagu yiri bayaal lagu faafiyay Villa Somalia.

“Hogaamiyaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Hogaamiyaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal” ayaa la raaciyay qoraalka Madaxtooyada.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Eritrea ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka deriska la ah ee Jabuuti uu isna maanta tagay Ra’iisul Wasaarihiisa hore Xasan Cali Kheyre oo la filayo inuu ka mid noqon doono ragga uu loolanka adag kala kulmi doono Tartanka Madaxtinimada Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyaan xubno kamid ah mas’uuliyiinta kala shaqeyneysa ololaha uu ugu jiro tartanka xilka madaxtinimada dalka ayaa lagu wadaa inuu kabilaabo ololihiisa doorashada dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaan wareejin xilka uu hayay muddo ka badan saddex sano iyadoo laga diiday codsi uu u gudbiyay madaxweynaha inuu xilka wareejiyo.

Waxaa bilaawday loolan adag oo lagu doonayo kusiga ugu sareeya dalka ka dib markii Jimcihii madaxweynaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed oo ay wehliyeen Ra’iisul wasaare Rooble iyo Sii hayaha Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guulleed Khadar, Hogaamiyayaasha Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay ku heshiiyeen xilliga ay qabsoomayso doorashooyinka goloyaasha Dowladda.

Sidee Nairobi ku noqotay suuqa Siyaasadeed ee Soomaaliya?

Hogaamiyaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jimcihii gaaray magaaladda Nairobi ee Caasimada Kenya iyada oo qorshuhu yahay in maalmaha soo socda uu halkaasi gaaro hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Ujeedka socdaalka madaxdaan ayaa la xiriira dadaaladda loogu jiro cida qabanaysa madaxweynaha Soomaaliya ee soo socda oo ay u hanqal taagayaan siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed iyo madaxweyne yaashii hore ee dalka.

Nairobi waxaa ku sugan hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo halkaasi kulamo kula qaatay madax ka tirsan Xisbigiisa, Ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya iyo qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka ee salgoodu yahay Nairobi waxa uuna hadlay in ay ka taageeraan sidii uu ugu guulaysan lahaa Madaxweyne Soomaaliya ee soo socda.

Cabdikariin Xuseen Guulleed hoggaamiyaha xisbiga Sahan ayaa sidoo ku sugan Nairobo waxa uuna halkaasi ka wadaa kulamo loogu gogol xaarayo taageero dhaqaale iyo farsamo oo uu helo xisbigiisa maadaama dhawaan lagu dhawaaqay.

Nairobi ayaa saldhig u ah xubnaha beesha Caalamka ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhaqaalaha, maamul wanaaga iyo dib u dhiska wadanka, waxaana halkaasi kulamo ka wada xubnaha u hanqal taagaya Villa Soomaaliya horaanta 2021-da.

Ilo dublumaasiyadeed ayaa Axadle la wadaagay in Nairobi isku badali doonto Suuqa siyaasadeed ee Soomaaliya maadaama ay saldhig ka dhigteen xubnaha beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya qaarkood iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo halkaasi ka wada ololoheeda doorashada 2021.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More