Fanaanadii Faadumo Cali Nakruuma oo Coronavirus ugu geeriyootay

Fanaanadii caanka aheyd Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid ahayd Fanaaniintii Qaranka Soomaaliyeed ayaa maant oo axad ah ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

- Advertisement 1 -

Fannaanada ayaa ku geeriyootay Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo maalmahan la xanuunsaneysay xanuunka Coronavirus.

Faadumo Cali Nakruuma ayaa ka mid ahayd qurbojoogta Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay,waxayna ku luqeysay heeso badan oo Jacayl iyo waddani leh, iyadoona ka tirsaneyd kooxdii Waaberi.

Horay Cudurka Coronavirus waxaa muqdisho iyo dalka dibadiisa ugu geeriyooday dad isugu jira  Fanaaniin, Ciyaartooy iyo Masuuliyiin xilal ka soo qabtay Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida fanaanadii Canka aheyd ee Faadumo Cali Nakruuma oo Maanta ku geeriyootay muqdisho, iyaga oo Alle uga baryaya in uu Naxariistee janno ka waraabiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More