#Falqeynta Siyaasadda: Xil-sidashadii iyo xil-sugashadii Xasan Shiikh iyo xanjafintii Febraayo

2

- Advertisement -

Maqaalkaan waxaan oga hadli doonaa xil-sidashaddii Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud 2012-2016 anagoo ka fiirin doonna tilaabooyin kii sii siyaasadda iyo hagitaanka masiirka umadda iyo dalka,

- Advertisement -

sidoo kale waxaan ku eegi doonaa xil-sugashaddii Xasan Sh Maxamuud, waa markii looga guulaystay doorshaddii 2016kii siddii uu xilka u wareejiyay uguna qancay doorashadda u lana shaqeeyay madaxwaynihii asaga bedelay.

Kama marna maqaalka dharbaaxyaddii ku dhacday madaxwaynihii soo ariminayay afarta sano dalka filanayayna guusha lagana guulaystay ee uu oga guulaystay siyaasi cusub. Ugu danbayn waxaan faaqiddi doonaa nuuca siyaasi uu yahay Xasan Sh Maxamuud iyo heerkiisa siyaasinimo. Maqaalku waa maqaal dheer oo leh ilaa afar qaybood kana kooban 10bog.

ASAL

Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud wuxuu ahaa rug caddaa u soo shaqeeyay Bulshadda waqti dheer, wuxuu soo ahaa macalin, wuxuu soo maamulay Ha’addo waxbarasho illaa ha’addo samafal.

Wuxuu taladda Dalka qabtay sanaddii 2016 asagoo ka guulaystay Madaxwaynihii asaga ka horeeyay mudane Madaxwayne Sh. Shariif Sh. Axmed. Wuxuu ahaa siyaasi nugu cusub shacab ahaan iyo waliba aduunka guud ahaan. Doorashaddiisii dalku wuxuu kutilaabsaday hormar markay ugu yartahay gaarsiisan umad caasimaddooda isku dooratay.

Markii la doortay sidoo kale waxaa laga baxay kumeel-gaarnimaddii, filashadda iyo rajadda shacabka ayaa meel sare tagay qof walibaa hanaan dawladnimoo loo dhanyahay buu sawirtay (ileen waxaa yimid aqoon yahan waxbadan ka duwan dadkii horay Dalkaan usoo hogaamin jiray, luguna doortay meeshii laysku dooran jiray meelka duwan waa caasumadda Dalka e).

In Dalku kabaxay kumeel-gaarnimadda iyo in hogaanka Dalka loo dhiibay Macalin meelo badan kasoo shaqeeyay waxay dhistay rajjo iyo filasho gaaray ‘meel aan loo baahnayn’ waxay naga qariyeen labadaas arin wixii aan ahayn, xaqiiqaddii gobolka, iyo tii qarniga.

Dalka waxaa ka jiray walina ka jira is aaminaad darro, kalashaki, bisayl la’aan iyo cayr nimo dhaqaale iyo Dawladnimo intaba. Waxa aanan sifiicanna u aqoon waxa aan u dhiibnay Xasan Shiiq (yacnii nuuca dalwadnimo e uu hogaanka kayahay ma aanan ufiirsan).

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More