Falastiin oo diiday shir gudoonka Jaamacadda Carabta ka dib heshiiskii Israel ee Imaaraadka& Baxrayn!

Wasiirka arimaha dibada Falastiin ayaa sheegay Talaadada maanta in Falastiin ay joojisay gudoomiyanimadii ay hada uhaysay shirarka jaamacada carabta, waxaayna cambaaraysay sharaf dhac kasta oo ku yimaado dowladaha carbeed oo ah in ay  xiriir rasmi ah la yeeshaan Maamulka Israel.

Falastiiniyiintu waxa ay u arkaan heshiisyadii ay Isutagga Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ay Israa’iil kula saxiixdeen magaalada Washington toddobaad ka hor ay tahay  khiyaamo dhabar jab ku ah rabitaankooda dowlad madaxbannaan iyo in Israa’iil loo fududaynayo in ay qabsato dhamaan dhulka Falastiin.

Horaantii bishaan, Falastiiniyiintu waxa ay ku guuldareysteen in ay ka dhaadhiciyaan Jaamacadda Carabta in ay cambaareyaan Heshiiska Israel ee caadiga ka dhigaya xiriirka ay la leedahay wadamada Carbeed.

Falastiin waxa ay ahayd in ay hogaamiso shirarka Jaamacada Carabta lixda bilood ee soo socota, laakiin Wasiirka Arimaha Dibada Riyad al-Maliki ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Ramallah wuxuu ku sheegay inaysan mar dambe dooneyn jagada shirgudoonka Jaamacada Carabta.

“Falastiin waxay go’aansatay in ay aqbasho xaqeeda ay u leedahay in ay gudoomiye u noqoto golaha golaha wasiirada (wasiirada arimaha dibada) kalfadhigooda hada. Sharaf ma leh in la arko Carabta oo ku degdegaya dhanka caadiga intii ay madaxweynaha ahaa lahaayeen,” Maliki ayaa sidaas yiri.

Hadalkiisa, si gaar ah uma uusan magacaabin Imaaraadka iyo Baxrayn, dalalka Khaliijka Carabta ee la wadaagaya Israa’iil walaaca ay ka qabto Iran. Wuxuu sheegay in Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit lagu wargaliyay go’aanka Falastiin.

Hoggaanka Falastiiniyiinta ayaa doonaya dowlad madax bannaan oo ku dhisan xudduudaha dhabta ah ka hor dagaalkii 1967, oo ay Israa’iil qabsatay Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo ay ku darsatay Bariga Qudus.

Wadamada carabta ayaa muddo dheer ku baaqayay in Israaiil ay ka baxdo dhulkeeda oo horey si sharci daro ah ay ku qabsatay, xalka cadaalada ee Falastiiniyiinta qaxootiga ah iyo xal u horseeda in la dhiso dowlad Falastiin ah oo madax banaan, bedelkeedana ay xiriir la sameyso.

Tallaabadan cusub ee wax looga qabanayo kala qaybsanaanta Falastiiniyiinta dhexdeeda, mas’uuliyiinta ka socda kooxda Fatax ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamuud Cabaas oo fadhigeedu yahay Daanta Galbeed iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee fadhigiisu yahay Qaza ayaa lagu waday in ay wadahadallo dib u heshiisiin ah ku yeeshaan Turkiga Talaadada.

Xamaas ayaa Marinka Qaza ka qabsatay 2007 ciidamadii Fatax intii lagu guda jiray wareeg kooban oo dagaal ah. Kala duwanaanshaha ku saabsan awood-qeybsiga ayaa dib u dhigay dhaqan gelinta heshiisyadii midnimada ee lagu heshiiyey tan iyo markaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More