Falanqeyn: Is-afgaradka Soomaaliya iyo Itoobiya

Hordhac:

3; Raisalwasaare oo Itoobiya yeelatay kaddib burburka xukunkii Mingiste ayaa Booqday Muqdisho, Raisalwasaare

Abiy Axmed Cali; waa raisalwasaarihii 3aad ee yimaada Muqdisho isaga oo haysta casuumadda madax Soomaaliyeed, waxa ka horreeyey raisalwasaare Meles Zenawi Asres oo June-2007; ku yimid Muqdisho booqashadii loo bixiyey Booqashada ku soo boodka, waxa xigay raisalwasaare Hailemariam Desalegn oo isna booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho toban sano kaddib booqashadii Meles Zanawi, Febraury-2017.

Labada raisalwasaare ee Hailemariam Desalegn iyo Abiy Axmed Cali; waxa ay hordhac u yihiin isbeddelka siyaasadeed eek u socda maamulka iyo dowladnimada Itoobiya, kaas oo ay dad badan u arkaan mid aad u gaabis ah balse u socda hab lagayaabo in uu u horseedo Itoobiya horumar siyaasadeed iyo mid bulsho.

Dhammaan xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Abyssinia kaddib go’iddii Erateriya waxa ay maanka ku hayeen in dalkoodu yahay dhul xiran (Land Lock) oo aan bad lahayn, sidaas awgeed imaanshaha raisalwasaare Abiy Axmed ee talada Itoobiya waxa ay u taagan tahay sameynta siyaasad furfuran oo daba-socota baahida boqolka milyan ee Itoobiyaanka ah, kuwaas oo maamul iyo dhaqaalo xumida hasataa ayay sabab u tahay kacdoonadii dhowaan ka dhacay Itoobiya.

Caqabadaha gudaha ka haysta Abiy Axmed

Qarax sababay dhimasho & DHaawac oo ka dhacay Meskel Square -Addis Ababa, 23-Jun-18

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu wajahayaa caqabado gudaha ah, kuwaas oo ku saleysan Awood-qaybsiga dowladda, Dhaqaalaha iyo hirgelinta isbeddelka degdegga ah ee uu ku sameeyey laamaha kala duwan ee ciidanka,

Wuxuu kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo 34.4%, ka ah guud ahaan Itoobiya, waxa culeys  badan ku haya qomiyadihii isaga dambeeyey xilka iyo  talada Itoobiya oo kala ah Amxaarada oo 27%, ka ah tirada guud ee dadka Itoobiya iyo Qabiilka Tigreega oo iyaga oo ah 6.1%  xukunka Itoobiya intiisa badan hayey kaddib kacdoonkii jabhadaha ee lagu riday Mingistu Xayla Maryan.

Tigreega iyo Amxaaradu waxa ay ka soo horjeedaan dhammaan isbeddelada uu sameeyey Abiy Axmed, si gaar ah waxa ay Tigreegu u diiddan yihiin ka tanaasulidda iyo wareejinta magaalada yare ee Badame oo kaddib dagaal qaraar oo ay ku dhinteen qiyaas 80.000 oo qof  oo labada dal ah.

Badame waxa loo xukumay oo in ay kamid  in ay kamid noqotana la go’aamiyey dhulka Errateriya, balse Itoobiya ayaa diidday xukunkaas iyada oo si xoog ah ku haysatay.

Raisalwasaare Abiy ayaa markii uu xilka yimid waxa uu qaatay go’aan ku saabsan fulinta xukiinkii  maxkamadda caalamiga ah ee kamid noqoshada Badame ee ciidda Errateriya, taasin waxa ay sababtay caro badan oo uga timid Abiy dhinaca  Tigreega.

Dhan kale Amxaarada iyo Tigreega oo ah labada qowmiyadood ee xukunka Itoobiya isaga dambeeyey waxa ay  Soomaalida u arkaan cadaw halis ah oo haddii uu helo awood iyo hoggaan hagaagsan la tartami kara Itoobiya, waana taas sababta ay Amxaaradu muddo dheer ula diriraysay Soomaalida, tigreeguna markii uu xilka yimid isugu dayey kala qaybinta iyo calwinta siyaasadda iyo maamulka Soomalida si ay u fogaato fursadda dhismaha iyo dhalashada qaran Soomaali ah oo awooda in dhulkiisa wada maamulo,

Hadda Abiy waxa uu la yimid dhaqan iyo siyaasad ka duwan habkii ay Amxaarada iyo Tigreegu u arkayeen Soomaalida yo guud ahaan waddamada deriska, si uu u helo taageerada gudaha iyo dibadda waxa uu qaatay in uu ka leexdo jidkii hore, balse taasi waxa lagayabaa in ay ugu kacdo qiima sare, waxaana muujinaya weerarkii Bamka loo adeegsaday ee ka dhacay fagaaraha Meskel Square, waxa uu sababay dhaawac iyo dhimashao, taasina waxa ay hoos u dhigi kartaa xawaaraha Abiy oo ay amxaarada iyo Tigreegu u arkaan in uu xarkaha goostay

Socdaalka RW Abiy ee gobolka.

Safarada uu raisalwasaare Abiy ku tegey waddamada Masar, Suudaan, Uganda, Kenya, Jibuuti iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay ka dhigan yihiin iskuday uu ku abuurayo siyaasad ka geddisan hab-dhaqankii arrimaha dibadda ee Itoobiya, kaas oo muddo dheer ku dhisnaa dhaqan daneysi ah oo hal dhinac ka faa’iido iyo xal u raadinta xurgufta siyaasadeed ee Itoobiya kala dhexeysay muddada dheer waddamo ay kamid yihiinn Masar, Suudaan iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo & RW ABiy Axmed oo qaadanaya salaan

Abiy oo ah nin dhallinyaro ah kana soo jeeda qowmiyadda Oromada, waxa u muuqata fursad uu dalkiisu ku macaashi karo kaddib marka uu curiyo furfurnaan siyaasadeed iyo u dabacsanaanta waddamada awooda in ay dhaqaale geliyaan Itoobiya ama ay keenaan ilo dhaqaale oo sababi karo in laga faa’iido marka la maalgeliyo.

Dalalka Bariga Afrika Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada haysta ilaha dhaqaale ee ugu bacrisan kuwaas oo aan weli helin maalgashi dibadda ah, sabab la xiriirta ammaanka iyo dhinaca qaanuunka, sidaas awgeed is-afgaradka madaxweyne Farmaajo iyo RW: Abiy kuma jiraan wax muujinaya niyad xumo iyo ku xadgudub dhinaca xorriyadda iyo madax bannaanida labad dal, qodobka 7aad ee is afgaradka oo u dhigan sidan “Dhiirri-gelinta maalgaashiga,gaar ahaan ilaa 4 dekedood,waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afar dekadood oo muhiim ah oo kuyaalla Soomaaliya,dhismaha waddooyinka isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya,waxaana la dhisidoonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobada lagu heshiyay”,

Habka uu noqonayo wada-maalgashigu, xilliga, milkiilaha isha dhaqaale tusaale dekadaha la maalgelinayo iyo dhinaca qaadanaya qaybta ugu badan waxa qeexi doona nidaamka maalgashiga iyo guddiga farsamada ee ay labada dhinac soosaari doonaan.

Hadalka RW: Abiy uu jeediyey is afgaradka kaddib

Dhammaan qodobada is afgaradka meelna ugama jirto wax muujinaya hadalka Abiy Ahmed u sheegay warbaahinta Itoobiya ee ah in labada dal ay ka wada hadleen in ay mustaqbalka noqdaan hal dal oo weyn, iyo arrinta la xiriirta dekadaha faraha badan ee Soomaaliya, sidaas awgeed iyada oo ay suuragal tahay in Abiy Axmed isku deyayo in uu dejiyo walaaca ka taagan gudaha Itoobiya ee ka dhashay qalalaasihii sababay in isagu noqo raisalwasaare haddana dhammaan qodobada heshiiska kama muuqdaan habayaraatee wax tusaya waxa muuqda wax ka duwan.

Meesha ka saaridda caqabadaha ku gudban horumarka xiriirka labada dal, isdhaafsiga qunsilayadaha, xoojinta xiriirka, tixgelinta dersinimada, ka faa’iideysiga awoodda iyo fursadaha suuqa, xoojinta nabadda iyo iskaashiga dhinaca dhaqaaluhu dhammaan waa wax Itoobiya u aragto in lagu dejin karo kacdoonka iyo kala shakiga qowmiyahada Itoobiya, islamarkaana ay dan iyo faa’iido ugu jirto Soomaaliya, tusaale ahaan suuqyada boqolka milyan ee qof ee Itoobiya laga quudin karo waxa ugu horreeya Soomaaliya oo dekado badan iyo bad ahmiyad gaar aheed haysata, sidaas awgeed is afgaradkan oo labada dalba u daneynaya ayaa ah waxa ugu weyn uguna fiican ee ka soo baxay kulanka Abiy iyo madaxweyne Farmaajo.

Tuhunka iyo cabsida ku aaddan hanka Itoobiya ee Dekadaha Soomaaliya

Qodobka 12aad ee is afgaradka ayaa cad u diidaya una qeexiya  xitaa haddii uu jiro tuhunkaasi “Waxa ay si wada jir ah oo cad u sheegeen in dhankasta uu xushmeeyo madaxbanaanida dalka kale,iyo sharafta dhuleed iyo kala madaxbanaanida siyaasadeed,iyadoo loogu baaqay dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed in si dhab ah ay uga wada shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka Soomaaliya”.

Dabeecadda is-afgaradka

In Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadagalaan heshiis nuucan ah oo adduunku wada arkayo, iyada oo Itoobiya lagayaabo in ay gacan-togaaleyn karto xilligan ma aha wax iska yimid ee waa bisayl iyo waayo-aragnimo u korortay xisbiga haya talada Itoobiya, sidaas oo kalana waa qaangaarnimo siyaasadeed oo ka timid dhinaca Soomaaliya.

Is-afgaradkani waxa uu ku jiraa heerka is fahamka oo keli ah, sida ku cad waxa dhismaya guddi farsamo, kaas oo qaabeyn doona dhammaan tallaabooyinka la qaadayo, marka uu soo baxo heshiis rasmi ah oo u dhexeeya labada dhinac waxa uu u gudbi doonaa heerka Baarlamaanka.

Walaaca ku saleysan cabsida laga qabo in Itoobiya si aan sharci ahayn uga faa’iiddo dhulka Soomaaliyeed manta fursad iyo cimri badan malaha, waxa keli ah ee Itoobiya hadda sida muuqata u dooneyso waa in ay hesho meel ay noloshooda iyo dhaqaalaha dalkeedu ku xisaabtamaan oo u noqota il dhaqaale, sidaas awgeed waa in aan ogaano in aanay Itoobiya manta u dulqaadan Karin wax yar oo colaad iyo qalalaase ah, taas ayaana ku qasbeysa in ay saaxiib dhaqaale iyo mid nololeed raadiso.

Waddamada ugu dhow Itoobiya  oo ay Soomaaliya kamid tahay habka keli ah ee ay kula macaamili karto waa in ay wax ka iibsato, canshuur siiso, wax kala soo degto, waxna ka dhoosato, taasina waa mid kamid hababka ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku yeelan karaan waxwada-qabsi ku dhisan wada-macaash, sidaasna waxa ay Itoobiya uga baahan tahay Suudaan iyo Jibuuti

AxadleTM