#Faah faahino kasoo baxaya Weerar lagu dilay Guddoomiyaha Matabaan iyo Ilaaladiisa

4

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

- Advertisement -

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Maxaas iyo Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan.

Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) iyo Saddex kamid ah ilaaladiisa ayaa ku geeriyooday weerarka dhabo gal ah ee lagu qaaday xili uu kasoo socday Maxaas kuna sii jeeday Magaalada Balad Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka tegay degmada Maxaas,waxaana uu kusii jeeday Magalada Baladweyne,hayeeshee rag hubeysan ayaa la sheegay inay ka rasaaseeyeen gaarigii uu watay,isla markaana dilka kadib ay qaateen Gaarigii iyo hubkii uu watay.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa,hayeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleed ay dileen.

Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) ayaa sida ay Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan uu ku howlanaa xalinta dagaal beeleedyada kasoo cusbonaaday tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More