Faah-faahino kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dha…

Muqdisho (Axadle) –Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo la soo werinayo inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey hal qof aya ku dhaawacmay qaraxaas, halka warar soo baxaya ay sheegayaan inay jirto dhimasho.

Qaraxa oo haleelay gaari Surf ah ayaa warar kala duwan waxay ka soo baxayaan nooca uu ahaa, waxaana weli la kala xaqiijin inuu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda iyo in gaari lagu xiray.

Dhinaca kale, waxaa jira qaraxyo dhowr ah oo la sheegay in ciidamada ammaanka ay qabteen lana qarxiyey, iyaga oo aan geysan wax khasaare ah, inkastoo faahfahin rasmi ah oo ku aadan aysan ka soo bixin hey’adaha ammaanka.

Jugta qaraxyadaan ayaa caawa aad looga maqlay qeybo badan oo ka tirsan Caasimadda Muqdisho, welina dowladdu wax faah-faahin ah kama aysan bixin khasaaraha ay geysteen.

Wixii ka soo kordha kala soco Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More