#Faah faahin: Qarax xoogan oo lala eegtay Kolonyo gaadiidka AMISOM

10

Qaraxaas oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Arbacoow oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in jugta qaraxa lag maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo deegaanada ku dhow, isla markaana lala eegtay kolonyo ay la socdeeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka yimid dhinaca deegaanka Arbacow.

Qaraxa kadib ayaa Ciidamadu waxa ay fureen,waxaana weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM iyo rasaasta ay fureen intaba.

Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, iyada oo Ciidamada AMISOM ay xireen wadada soo gasha iyo tan ka baxda goobta uu qaraxa ka dhacay.

Deegaanada lu yaalla Duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan qaraxyo lagula eegtaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay ku socdaalayaan,waxaana khasaaro kasoo gaartaa Ciidamada iyo dadka Shacabka ah ee maraya halka ay qaraxyada ka dhacaan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More