#Faah faahin: Qarax Gaari oo Saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

3

- Advertisement -

Qarax lagu xiray gaari Ciidan ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Xaafadda Saybiyaano ee Degmada Hodan, sida Saraakiisha amniga ay xaqiijiyeen.

- Advertisement -

Qaraxan ayaa lagu xiray gaari noociisa uu yahay Kaarib ay isticmaalaan Ciidamada Booliska, waxaana halkaasi ku dhintay Darawalkii waday gaariga.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay gaariga inuu ku shaqeynaayay Taliyaha Ciidamada Booliska ee qaabilsan Beerta Jaadka oo ah goobta Jaadka lagu soo dajiyo Muqdisho.

Sarkaalka ku shaqeynaayay gaarigaan ayaa la sheegay inuusan saarnayn, balse darawalkii waday gaariga ayaa ku dhintay, kadib qaraxa lagu xiray.

Lama garanaayo goobta qaraxan lagula xiray gaariga, balse Saraakiisha ayaa sheegaysa inay suuragal tahay goobtii xalay la dhigay gaarig in qaraxa lagula soo xiray.

Al Shabaab ayaa gaadiidka ay isticmaalaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda qaraxyada noocaan oo kale ugu xiraan.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More