#Faah faahin: Dhaqtar ka howlgalo Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo Muqdisho lagu dhaawacay

2

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Dhaqtar manta lagu dhaawacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho .

Dr. Cabdixaliim oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgala Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer), isla markaana qaabilsan caruurta ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan dowladda taas oo ay ku furanayeen Wadada agmarta Hoteelka Amiira oo mashquul badan uu ka jiray,waxana dhaqtarka uu watay gaari yar oo nooca raaxada ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Dhaqtarka ayaa rasaasta ka haleeshay Garabka,isla markaana dhaawiciisa la geeyay Isbitaalka uu ka howlgelayay ee Ex-Digfeer.

Dhaqaatiirka Isbitaalka Digfeer ee uu ka howlgalyay weli wax faah faahin ah kama bixin dhaawaca Dhaqtar ka howlgalayay Isbitaalka.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More