#Ethiopia:Dhowrista Xuquuqda Maxaabiista Iyo Tirada Laga Siidaayey Xabsiyada Oo la Shaaciyey

5

Maamulka xabsiyada ee dawlada federaalka ah ee Itoobiya ayaa warbaahinta u soo bandhigay warbixin la xidhiidha horu marka ay dawladu ka gaadhay ilaalinta xuquuqda maxaabiista ku xidhan jeelasha kala duwan ee dalka Itoobiya.

Jemal Abaso oo ah agaasimaha guud ee maamulka Xabsiyada dawlada federaalka ah ayaa sheegay in lixdii bilood ee ugu dambeeyey horu mar laga gaadhay hubita iyo ilaalinta xuquuqda dadka maxaabiista ah.

Agaasime Jemal Abaso ayaa sheegay in la dareemay horumar laga gaadhay xabsiyada ka dib markii tababar la siiyey shaqaalaha maxaabiista kuwaas oo ay ku jiraan hogaamiyeyaal sare.

Sidoo kale agaasime Jemal Abaso ayaa sheegay in qorshuhu yahay tayeynta maamulka xabsiyada isaga oo xusay in xubno cusub lagu badalay hogaamiyeyaal gaadhaya 103.

Sidoo kale waxa uu cadeeyey in go’aan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya lagu fasaxay maxaabiis gaadhaysa 6,504 kuwaas oo xoriyadooda dib u helay xabsiyadana laga sii daayey lixdii bilood ee ugu dambeeyey

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More