#Duqa Muqdisho oo Guddoomiye cusub u magacaabay Degmada Yaaqshiid

2

- Advertisement -

Degmada Yaaqshiid ee Gobolkaani Banaadir ayaa loo magacaabay Gudoomiye cusub kadib markii gudoomiyihii hore degmadaasi lagu sameeyay shaqo joojin.

- Advertisement -

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye  Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid loogu Magacaabay Cabduwali Cabdullaahi Maxamed.

Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow) ayaa dhawaan Shaqa joojin lagu sameeyay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay fal la xiriira musuq maasuq.

Guddoomiyaha Cusub ee loo Magacaabay degmada Yaaqshiid ee Cabduwali Cabdullaahi Maxamed ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobolkaan Banaadir.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More